Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Kulan looga hadlayay horumarinta Jaamacadda Ummadda faraceeda Galmudug oo lagu qabtay Caabudwaaq
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Kulan looga hadlayay horumarinta Jaamacadda Ummadda faraceeda Galmudug oo lagu qabtay Caabudwaaq
Wararka

Kulan looga hadlayay horumarinta Jaamacadda Ummadda faraceeda Galmudug oo lagu qabtay Caabudwaaq

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 17, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Kulan uu soo qaban qaabiyay  Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq oo looga hadlayay horumarinta Jaamacadda si loo kabo baahiyaha jira ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dawlad Goboleedka Galmudug, waxaana sidoo kale kulanka qayb ka ahaa waalidiin, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed, Ganacsato iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Jaamacadda Umadda faraceeda Galmudug Maxamuud Dirir ayaa sheegay inay jirto baahi loo qabo helidda fasalo cusub, si sanad tacliimeedka soo socda  ay awood u yeelato Jamacaddu qaadashada arday cusub, waxaana hadda si isxilqaan ah loo wadaa  dhismaha Maktabadda Jaamacadda.

Agaasime Maxamuud ayaa Maamulka Galmudug iyo Dawlada Federaalka waxaa uu la wadaagay baahiyaha ka haysta dhinaca horumrainta, isagoo u mahadceliyay shacabka degaanka oo is xilqaan ku dhisay Jaamacdda.

Qaar kamid ah Ardayda iyo waalidiinta ay ilmahooda ku waxbartaan Jaamacadda iyo ka qayb galayaashii kulanka ayaa dhankooda xusay waxtarka iyo ahmiyadda ay u leedahay Jaamacadda deegaanka.

Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Caabudwaaq Muuse Maxamed Axmed Muuse Inji iyo Xildhibaan Fardawsa Yuusuf Ciid oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada Horumarinta Dhismaha Jaamacadda

Gaba gabadii ayaa Wasiirka Wasaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi) waxa uu  xoojiyay baaqa ay ku dalbanayaan maamulka Jaamacadda in lagu siiyo gacan Horumarinta lagu sameynayo Jaamacadda Ummadda faraceeda Galmudug.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Muqdisho,SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan…

GudahaWararka
August 16, 2025

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay Askar horay u dishay dad shacab ah

Muqdisho.(SONNA):- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo…

GudahaWararka
February 18, 2023

Taliska xoogga dalka oo dardargalinaya shaqada guutooyinka

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo booqasho ku tagay Taliska Guutada…

GudahaWararka
January 14, 2025

Ra’iisul wasaare Rooble oo koobka degmooyinka gobolka Banaadir gudoonsiiyey degmada Shengaani.

Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka…

GudahaWararka
November 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023