Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gaalkacyo oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan
    March 4, 2026
    Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
    March 3, 2026
    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha
    March 3, 2026
    Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.
    March 3, 2026
    War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay
    March 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!
CaalamkaMaqaalladaWararka

Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 30, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa aad uga sii fidaya dunida oo dhan, si gaara ah, Mareykanka iyo Yurub marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ahaa meesha uu cudurkan ka soo bilowday, waxaana  dadka cudurkan saf-mareenka ah ku dhacay uu ku dhawanayaa hal milyan.

Cudurkani waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 34,000 oo ruux, waxa uuna ku dhacay in ka badan 700,000 ruux halka 150,000 kale oo dunida oo dhan ah ay ka soo bogsadeen, kuwa soo bogsaday badidooda waa Shiinaha, sida lagu qoray web-ka lagu aruuriyo xogaha cudurkan ‘Worldometers’, waxaana daqiiqad walba kordhaysa dadka u dhimanaya iyo kuwa hor leh ee uu ku dhacayo.

10-ka dal ee cudurka Corona-virus aadka u sameeyey welina qaar uu ku fidayo waxaa kamida: Shiinaha, Talyaniga, Isbeyn, Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, France, K/kuuriya, Switzerland iyo Ingiriiska, waxaana ay kala riixinayaan kaalimaha hore ee  shaxda.

Dhimashada Talyaaniga waa wax  ka badan 3-dex meelood meel guud ahaan caalamka dalalka xigana waa Spain iyo Shiinaha, balse cudurkan waxa uu wada gaaray qaarada Yurub oo dhan, waana meesha uga badan ee laga oo soo warinayo dad u dhiminaya ama ku dhacay wakhti xaadirkan, meesha xigtana waa Mareykan-ka oo isna wada gaaray gobaladiisa.

Saameynta Cudurka Corona Virus

Waxa uu saameyn xun uu ku yeeshay dhaqaalaha adduunka oo dhan, dal kastana si buu u saameyey, waxaana ka dhashay in la isu socon waayey dhul, cir, bad iyo dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee bulshooyinka iyo wax-soo saarka warshadaha.

Cudurkan dawladaha ayuu ku qasbay in ay qaatay go’aano qaraar oo al-baabada u laabay dhamaan waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshooyinka ay madaxda u yihiin, waxaana kamida meelaha uu sida daran u saameyey Waxbarashada, Ganacsiga, duulimaadyada, shirarka, iyo dadka lagu qasbay in guryahooda dhaafin.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay booqashada Cusbitaallada, waxana sidoo kale uu saameyey goobaha lagu cibaadaysto.

Shirkii golaha amaanka oo maalinta Khamiista March 26, 2020 dhici lahaa ayaan qabsoomin sababa la xiriira cudarkan oo magaalada New York kaliya in ka badan 50’000 oo ruux uu haleelay, waxa sidoo kale sannadka 2021 loo dhigay ciyaarihii Olompic-da oo Japan lagu qaban lahaa.

Afrika a iyo Cabsida Cudurka

Afrika wel welka iyo cabsida cudurkan waxaa u dheer in aysan lahayn adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xitaa qalabkii lagu baari lahaa cudurkan, Senegal iyo K/Africa kaliya ayaaba lahaa qalabka lagu baaro bartamihii Febrayo ee sanadkan, inkasta oo hadda ku dhawaad 20 kale oo dal ay baari karaan cudurkan, waxaana jira dalal Africa oo weli baaritaankooda u dirsada dalal Yurub ama Africa-da ku yaala.

Dalalka Africa oo dhan waxa uu cudurkan ku dhacay waa wax ka yar 2000 oo ruux, balse waxa intaa ka daran oo liita wacyiga dadka  iyo fahamka ay ka qabaan cudurka aadka u fidaya oo maalin walba kiisas hor leh laga diiwan gelinayo Africa dhex-deeda halka dunida kale ay daqiiqad walba xisaabta is bedelayso.

Bariga Africa ayuu soo gaaray Cudurkan, waxaana tirada uga badan laga diiwaan geliyey dalka oo aan  deriska nahay ee Kenya oo maalinta Jimcaha oo todobaadkii hore bandow lagu soo rogay, waxana ay mareysaa 42-kiis, halka anaga Soomaliya la diiwaan geliyey kiiskii 3-aad.

Gunaanud

Waxa ay ila tahay in aynaan dhayal-san khatarta cudurkan Coronavirus oo kar-kaarada soo jebsanaya, dad hor lehna u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba, waa inaan si dhaba oo ficil ah u qaadana talooyinka caafimaad ee nala siiyo, Eeba ha inaga xafidee. !

Waxaa diyaariyey: Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra”

Tifaftiraha SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gaalkacyo oo ku ssoo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Muqdisho (SONNA): Degmada Gaalkacyo oo ka tirsan Gobolka Mudugayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka…

March 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Azerbaijan :Wasiiru-dawlaha Shaqada XFS oo saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku…

Gudaha
November 24, 2023

R/Wasaaraha Ingiriiska oo booqanaya Masar iyo gargaarka ku socda Gaza oo weli ku xayiran Rafah

Ra'iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska Britain Rishi Sunak ayaa maanta u safraya Dalka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa'iil…

Caalamka
October 20, 2023

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka “Sawirro”

Muqdisho, Oktoobar 09, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si…

Wararka
October 9, 2019

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva - Switzerland,…

GudahaWararka
June 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023