Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!
CaalamkaMaqaalladaWararka

Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 30, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa aad uga sii fidaya dunida oo dhan, si gaara ah, Mareykanka iyo Yurub marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ahaa meesha uu cudurkan ka soo bilowday, waxaana  dadka cudurkan saf-mareenka ah ku dhacay uu ku dhawanayaa hal milyan.

Cudurkani waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 34,000 oo ruux, waxa uuna ku dhacay in ka badan 700,000 ruux halka 150,000 kale oo dunida oo dhan ah ay ka soo bogsadeen, kuwa soo bogsaday badidooda waa Shiinaha, sida lagu qoray web-ka lagu aruuriyo xogaha cudurkan ‘Worldometers’, waxaana daqiiqad walba kordhaysa dadka u dhimanaya iyo kuwa hor leh ee uu ku dhacayo.

10-ka dal ee cudurka Corona-virus aadka u sameeyey welina qaar uu ku fidayo waxaa kamida: Shiinaha, Talyaniga, Isbeyn, Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, France, K/kuuriya, Switzerland iyo Ingiriiska, waxaana ay kala riixinayaan kaalimaha hore ee  shaxda.

Dhimashada Talyaaniga waa wax  ka badan 3-dex meelood meel guud ahaan caalamka dalalka xigana waa Spain iyo Shiinaha, balse cudurkan waxa uu wada gaaray qaarada Yurub oo dhan, waana meesha uga badan ee laga oo soo warinayo dad u dhiminaya ama ku dhacay wakhti xaadirkan, meesha xigtana waa Mareykan-ka oo isna wada gaaray gobaladiisa.

Saameynta Cudurka Corona Virus

Waxa uu saameyn xun uu ku yeeshay dhaqaalaha adduunka oo dhan, dal kastana si buu u saameyey, waxaana ka dhashay in la isu socon waayey dhul, cir, bad iyo dhaq-dhaqaaqa caadiga ah ee bulshooyinka iyo wax-soo saarka warshadaha.

Cudurkan dawladaha ayuu ku qasbay in ay qaatay go’aano qaraar oo al-baabada u laabay dhamaan waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshooyinka ay madaxda u yihiin, waxaana kamida meelaha uu sida daran u saameyey Waxbarashada, Ganacsiga, duulimaadyada, shirarka, iyo dadka lagu qasbay in guryahooda dhaafin.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay booqashada Cusbitaallada, waxana sidoo kale uu saameyey goobaha lagu cibaadaysto.

Shirkii golaha amaanka oo maalinta Khamiista March 26, 2020 dhici lahaa ayaan qabsoomin sababa la xiriira cudarkan oo magaalada New York kaliya in ka badan 50’000 oo ruux uu haleelay, waxa sidoo kale sannadka 2021 loo dhigay ciyaarihii Olompic-da oo Japan lagu qaban lahaa.

Afrika a iyo Cabsida Cudurka

Afrika wel welka iyo cabsida cudurkan waxaa u dheer in aysan lahayn adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xitaa qalabkii lagu baari lahaa cudurkan, Senegal iyo K/Africa kaliya ayaaba lahaa qalabka lagu baaro bartamihii Febrayo ee sanadkan, inkasta oo hadda ku dhawaad 20 kale oo dal ay baari karaan cudurkan, waxaana jira dalal Africa oo weli baaritaankooda u dirsada dalal Yurub ama Africa-da ku yaala.

Dalalka Africa oo dhan waxa uu cudurkan ku dhacay waa wax ka yar 2000 oo ruux, balse waxa intaa ka daran oo liita wacyiga dadka  iyo fahamka ay ka qabaan cudurka aadka u fidaya oo maalin walba kiisas hor leh laga diiwan gelinayo Africa dhex-deeda halka dunida kale ay daqiiqad walba xisaabta is bedelayso.

Bariga Africa ayuu soo gaaray Cudurkan, waxaana tirada uga badan laga diiwaan geliyey dalka oo aan  deriska nahay ee Kenya oo maalinta Jimcaha oo todobaadkii hore bandow lagu soo rogay, waxana ay mareysaa 42-kiis, halka anaga Soomaliya la diiwaan geliyey kiiskii 3-aad.

Gunaanud

Waxa ay ila tahay in aynaan dhayal-san khatarta cudurkan Coronavirus oo kar-kaarada soo jebsanaya, dad hor lehna u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba, waa inaan si dhaba oo ficil ah u qaadana talooyinka caafimaad ee nala siiyo, Eeba ha inaga xafidee. !

Waxaa diyaariyey: Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black Cobra”

Tifaftiraha SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga oo sheegay in falalka Argagixisada aysan mar naba ka hor istaagi doonin xaqiijinta Amniga.

MUQDISHO (MUQDISHO)- Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in falalka guracan ee kooxahaha argagaxisada aysan marba hor joogsan doonin xaqiijinta amniga…

GudahaWararka
September 26, 2021

Maamulka gobolka Banaadir oo qabtay kulan loogu ducaynayo dadkii ku geeryooday musiibadii ka dhacday dalka Turkiga

Muqdisho:-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo barordiiq ugu qabtay…

GudahaWararka
February 9, 2023

Dagaal dhimasho sababay oo Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-(SONNA)-Ugu yaraan Saddex Qof oo ay ka mid tahay Haweeneey ayaa ku geeriyootay dagaal dhex maray Malleeshiyaad Hubeysan iyo Ciidamada…

Wararka
July 11, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha maamulka koofur galbeed+Sawirro

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan…

GudahaWararka
January 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023