Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda (XFS) Mudane Cabdiraxaan Ducaale Beyle oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 25-ka Bishaan ay hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF) ka cafinayso deyntii ay Soomaaliya ku lahayd.
Mudane Beyle ayaa intaa ku daray in Bankiga Adduunka iyo Bankiga horumarinta Afrika ay Soomaaliya u cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen.