Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay
    June 10, 2026
    Meertada 3-aad ee Madasha Maayarada dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey
    June 11, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed
    June 10, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay oo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 10, 2026
    Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan isku-xirka ganacsiga geeska Afrika
    June 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro
Wararka

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 16, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay’adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxa si wada-jir ah u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weli ba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga.

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay Dalka ka fulinayaan.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj; Cabdullaahi Cali Xasan ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka isaga oo sidoo kale na tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weli ba sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee fulinaaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Mashruucani wuxu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka Dalka.”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Aqoon-isweydaarsi sare oo ku saabsan Teknoolojiyadda Internet-ka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA): Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda…

June 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo Khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah…

GudahaWararka
June 22, 2023

Wasiirro ka tirsan XFS oo gaaray Baraawe

Baraawe(SONNA)--Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu gaaray Magaalada Baraawe ee…

WararkaWargayska
March 9, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Suldaanka cusub ee dalka Cummaan

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo laabtay dalka Cumaan oo uu kaga qeyb galay…

Wararka
January 14, 2020

Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO

Dubai (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah…

CaalamkaGudahaWararka
December 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023