Rabat-(SONNA)-Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Dalka Marooko, ย Abdelkader Amara , iyagoo ka wada hadlay in Iskaashi Labo geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareyntaย khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan.
Labda Wasiir ayaa isku waafaqay in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrinsada sidii Soomaliya looga taageeri lahaa ย xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha , ย ilaalinta aaggaga dhowrsoonย iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha.
Sidoo kale waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faaโiideysiga Biyaha Roobka.
Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaa ka dib booqatay goobo ay Dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Dhaabab.
Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay Dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale.