Madrid(SONNA)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka jawaabtay dalabyada amaahda ah ee u imaanaya ciyaaryahankeeda James Rodriguez.
Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo gudaha dalka Spain kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gabi ahaanba hoos u dhigtay dalabyada amaahda ah ee uu helayo James Rodriguez.
Jariiradda Marca ee fadhiggeedu yahay Spain ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Real Madrid aysan qorsheynaynin inay amaah ku lumiso markale ciyaaryahankeeda James Rodriguez, waxaana ay iska diideen dalabyada amaahda ee uu helayo laacibkan.
Kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub ayaa wax ka weydiiyay heshiiska ku meel gaarka ah ee 28-sano jirkan, laakiin kooxda Los Blancos lagu naanayso ayaa ka door-bideysa inay iska iibiso isaga, halkii ay amaah ku bixin lahayd.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Colombia, James Rodriguez ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa Real Madrid, waxaana kaliya uu wadar ahaan saftay todobo kulan oo horyaalka La Ligaha Spain ah xilli ciyaareedkan.