Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed
    February 8, 2026
    Madaxweynaha JFS oo dhiggiisa Masar kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal
    February 8, 2026
    Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti
    February 8, 2026
    Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta  Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan
    February 8, 2026
    Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
    February 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)
Ciyaaraha

Horudhac: Liverpool vs Man United… (Ka bogo wax waliba oo aad uga baahantay kulanka dhex mari doona labada kooxood ee ugu guulaha badan England)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
4 Min Read
Share

Liverpool(SONNA) Labada kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta England ayaa caawa isku qaban doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield caawa oo Axad ah ku soo dhoweynaysa naadiga ay aadka u xafiiltamaan ee Manchester United, iyadoo koox waliba ay doonayso inay guul gaarto.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jurgen Klopp ee Reds ayaa haatan 13-dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League, laakiin waxa ay wajahayaan kooxda kalaiya ee illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan dhibco ka lumisay, waana Manchester United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 19 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Garoonka: Anfield

Wararka Kooxaha:-

Fabinho iyo Joel Matip ayay u badan tahay inay ku jiri doonaan shaxda kooxda Liverpool, kaddib markii ay tababarka buuxda dib ugu soo laabteen Arbacadii, markii ay ka yimaadeen dhaawacyo kala duwan oo canqowga iyo jilibka ah.

Kooxda ka dhisan Merseyside-ka ayaa markale waxaa ka maqnaan doona xiddigaha kala ah James Milner, Dejan Lovren iyo Naby Keita.

Dhinaca kale Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa shaki laga galinayaa kulankan, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac dhabarka ah, laakiin waxaa la siin doonaa illaa daqiiqadda ugu dambeysa si loo hubiyo taam ahaanshihiisa.

Luke Shaw, kaasoo isna qaba dhaawac muruqa ah ayaa sidoo kale la qiimiineyn doonaa xaaladdiisa.

Paul Pogba, Scott McTominay, Marcos Rojo iyo Axel Tuanzebe ayaa sii wadan doona maqnaanshahooda kulankan, inkastoo Eric Bailly laga yaabo inuu tartan u galo booskiisa kulankan, kaddib markii uu ciyaaray kulan albaabadu u xirnaa Talaadadii.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Tan iyo xilli ciyaareedkii 2013-14, Liverpool ayaa guuleysatay kaliya hal kulan 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay wajahday Red Devils, waxaana ay ka haysataa 5 Barbaro iyo 5 Guuldarro.

>- Manchester United ayaa guul la’aan ah afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay u martisay lana dheeshay Liverpool tartammada oo dhan, waxaana ay kala soo laabteen Anfield 2 Barbaro iyo 2 Guuldarro tan iyo guushii 1-0 oo ay ka soo gaareen bishii Janaayo sanadkii 2016-kii horyaalka Premier League.

>- Liverpool ayaa khasaaro la kulantay 28 kulan oo horyaalka Premier League ay ku wajahday Manchester United, waana in siddeed mar ka badan kooxda kasta oo kale oo ay la ciyaartay.

>- Liverpool ayaa wajihi doonta garoonka Anfield kooxda Manchester United kulan horyaalka ah iyadoo maalinkaas hoggaanka u haysa horyaalka markeedii ugu horreysay tan iyo bishii September sanadkii 1990-kii, guushii 4-0 ee ay ku adkaatay kooxdii uu watay macallin Kenny Dalglish.

>- Manchester United ayaa khasaaro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay booqatay kooxaha ka dhisan Merseyside-ka ee Liverpool iyo Everton, weliba lagama badin saddex jeer oo xiriir ah kulammada sare ee horyaalka marka ay u martiyaan kooxahan horyaalka tan iyo bishii April sanadkii 1979-kii.

>- Liverpool ayaa guul gaartay 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

>- Kooxda Liverpool ayaa ugu yaraan dhalisay 2 gool 17 ka mid ah 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Kooxda Liverpool ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka Premier League.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali…

February 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Juventus oo qorsheynaysa inay la soo saxiixato Weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappé

Turin(SONNA)-Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la rumeysan yahay inay tallaabo u qaadayso soo xero gelinta xiddiga sare Kylian Mbappé. Warsidaha Tuttosport ayaa…

CaalamkaCiyaaraha
October 26, 2019

Gaadiidka oo guul kaga daah furtay koobka General Daa’uud, kaddib markii ay garaacday Kooxda Badbaado

Muqdisho(SONNA)-Kooxda Gaadiidka ayaa guul kaga daah furtay kulankeeda ugu horeeyay koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan, kaddib markii ay kaga…

Ciyaaraha
October 26, 2019

Xulka Ivory Coast oo Ku Guuleysatay Koobka Qaramada Afrika

Muqdisho(SONNA):-Xulka kubadda cagta ee qaranka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda…

Ciyaaraha
February 12, 2024

Kooxaha Elman Iyo Muqdisho City Club oo galabta ku balansan garoonka Eng Yariisow

Facebook Twitter Google+ LinkedIn StumbleUpon Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Odnoklassniki Pocket Muqdisho(SONNA)- Kooxaha Elman Fc Iyo Muqdisho City Club ayaa…

Ciyaaraha
November 1, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023