ANI YAABAYE MA YAABTEEN !!!?, waxaa la yaab leh Amiir u dhashay Qowmiyadda Amxaarada ee wadanka Itoobiya oo Soomaali Diin ku dilaaya, sida laga soo xigtay Ciidanka Ammaanka Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen Madaxii howl-galada kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani. Abu-Albara waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Amxaarada Dalka Ethiopia micnaha Khawaariij Ethiopian ah, Bal waa yaabe Amxaar Dadkiisii qaawan yihiin oo Soomaali Diin ku dilaya, Wallee Khawaariij haddaan leyska difaacin Dal, Dad iyo Diinba ma jirayaan. waa yaabka yaabkiis.
Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa shalay Khawaarijta kala wareegay deegaannada Ceel-kabar iyo Jaburow, oo dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijta ah, taasina ayaa waxay ku timid kadib markii Ciidamada ay weerar dhowr jaho ah ku qaaday Deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob khawaarijtu lacago baad ah ugu qaadaan dadka u kala safra magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe, waxayna Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalka, iyagoo sheegeen in cadowga dadka deegaanka dhibayay sanadaha badan ay ka ceyriyeen deegaannadaasi.
Dhinacaasi iyo Ceelbuurna, Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo lagu Duqeeyey Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, waxaana lagu soo waramayaa in Howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyadoo howlgaalkasina lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lala beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Horjoogayaasha Khawaarijta oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo kooxda ay ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maaliyadda u qaabilsanaa Khawaarijta ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida uu Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik uu u xaqiijiyay Warbaahinta Codka Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sheegay in howlgalkan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaasi oo la socday Horjoogayaasha goobta lagu soo afjaray.
Sidoo kale shalay galabta Aagga deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug waxaa lagu duqeeyey koox Khawaarij ah oo isku abaabuleysay inay weerar ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Qaranka iyo ku Deegaanka, balse shartooda iyagaa alle ku celiyay oo dhulka ayaa lala simay dhamaan wixii halkaasi joogay, intaasi kadibna Ciidamada Qaranka ayaa ku daatay goobihii lagu duqeeyay, waxaa kaloo jira in Ilaa 6 goobood ay shalay iyo maanta lagu beegsaday Khawaarijta ku harsan bariga Galmudug, waxayna dowladdu wadaa qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray howlgalladaas barakeysan kooxda Khawaarijta ah oo is dabajoog ahaa.
Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa in ka badan 30 xubnood looga dilay deegaan ka mid ah gobolka Mudug, sida aan wararka ku heleyno Howlgal gaar ah oo shalay Ciidanka Dowladdu ay ka fuliyeen dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca Koofur Bari ee gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd deegaankaasi, waxaana wararku intaasi ku darayaan in khasaaro xoog leh loo geystay Argagixisada, waxaana loogu geystay khasaare ba’an, laguna burburiyay xarumo Kooxdu ay ku lahayd deegaankaasi, iyada oo lagu khaarijiyay in ka badan 30 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Xubnaha Khawaarijta ah ee ku haray gobolka
Khawaarijtii ku sugneyd meelo ka mid ah Gobolka Mudug ayaa waxaa soo food saaray culeys xoog leh, kaddib markii ay kordheen weerarada dhulka iyo cirka uga imaanaya ee lagu beegsanayo firxadkooda.
“Waa waajib in Masuuliyiinta iyo Shacabkuba sii laba laabaab la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya”, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drsa. Maryama Mohamed Hussein oo dhinac taagneyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markuu fadhiga ka dhigtay Magalada Dhuusamareeb, ayaa ku boorisay Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago Shaqada la dagaalanka iyo Sifeynta Khawaarijta, laguna garab istaago Madaxweynaha aragtidiisa ku aadan in dalka laga ciribtiro aragtida guracan ee khawaarijta, taasoo dilootay dalka iyo Shacabka Soomaiyeed.
Wasiiru Dowlaha ayaa ka dhawaajisay in ciidamada xoogga dalka ay si joogto ah guulo uga soo hooynayaan dagaalka ay kula jiraan khawarijta ee jiidda hore, ayna weli jiraan howlgalo badan oo looga hortagayo kooxaha Argagaxisada ah, iyadoo hadalka Drsa. Maryama uu imaanayo, iyadoo ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Maamul gobaleedyada iyo dadka deegeenka ay sii wadaan howlgallada deegaannada Galmudug looga xoreynayo kooxaha khawaarijta. “Wasaarada Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada waxay mudnaan siinaysa ballaarinta iyo helitaanka daryeel caafimaad ee magaalooyinka iyo tuulooyinka laga xoreeyay gacan ku haynta khawarijrta”, ayay sii raacisay Drsa Maryama.
“Argagixisada Al-shabaab markii Furimaha looga adkaaday waxa ay bilaabeen in ay beegsadaan Dadka Rayidka ah, waxaana bulshada ugu baaqay in ay feejignadaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq, wuxuuna tilmaamay in sida kaliya ee dhagarta Argagixisada looga guuleysan karo ay tahay in la wada shaqeeyo dhammaan laamaha ammaanka iyo Shacabka, taas oo meesha ka saareysa in Khawaarijta soo dusiyaan Gaadiidka qaraxyada ka soo buuxiyaan si ay shacabka u dhibaateeyaan.
Cabdirisaaq Ciid oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, lagana soo doortay Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay Argagixisada ku jabeen dagaalka lagula jiro, loona baahan yahay in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Baladweyne ay ka feejignaadaan dhagartooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Khawaarijtu bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay feejignaadaan.
Waxaa loogula beegsado Qaraxyada Magaalada Beledwyne ayaa iyana la yaab leh.