Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xukuumadda oo xoogga saaraysa in adeegga dowaldda laga dhigo mid casri ah oo Teknolojiyadda la socda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xukuumadda oo xoogga saaraysa in adeegga dowaldda laga dhigo mid casri ah oo Teknolojiyadda la socda
GudahaWararka

Xukuumadda oo xoogga saaraysa in adeegga dowaldda laga dhigo mid casri ah oo Teknolojiyadda la socda

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 17, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, ayaa ka hadlay mideynta dowladnimada danabeysan ee lagu sameynayo hey’adaha dowladda, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah iyo dhammaystirka wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Guddigan oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qayb ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamka maamulka iyo horumarinta dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah gudiga, iyo mas’uuliyiinta kale, kuwaas oo kala ah;

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Biixi Iimaan Cige.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha mudane Maxamuud Axmed Aadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Cali Xaaji Aadan.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS ,Mudane Kamaal Daahir Guutaale.

Iyo masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxwynaha JFS.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray, xoojinta dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed, hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hey’adaha dowladda, taas oo ah bilow cusub oo lagu dardargelinayo dowladnimo casri ah, mideysan, hufan oo si fudud u gaarta bulshada Soomaaliyeed.

Hawshan ayaa sees-dhig u ah qorshaha ballaaran ee xukuumadda uu hoggaamiyo Raisulwasaare Xamsa Cabdi Bare ay ku casriyaynayso dowladnimadda, laguna fududeynayo adeegyada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka 1-da Luulyo

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka…

GudahaWararka
July 1, 2023

Madaxda kooxda BRICS oo doonaya in la ballaariyo dhismaha ururkaasi

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in la ballaariyo kooxda BRICS ee dalalka dhaqaalahoodu soo korayo si loo dhiso…

Caalamka
August 23, 2023

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa…

GudahaWararka
January 21, 2026

Joe Biden oo ku baaqay in aan la qaban dood inta uu Trump hayo cudurka Corona

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku baaqay  in aan la qaban dooddii loo ballansanaa  ee dhax…

Wararka
October 7, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023