Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
GudahaWararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: January 21, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo isku xirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay kaalinta ay Dowladda Turkigu ka qaadan karto dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo mudnaanta la siiyay dhammeystirka waddooyinka halbowlaha ah ee dhiman, hirgelinta nidaamka bullaacadaha, horumarinta bilicda magaalada, tababaridda shaqaalaha maamulka, iyo kor-u-qaadista adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Safiirka Dowladda Turkiga, Mudane Alper Aktaş, ayaa ballanqaaday in Turkigu door muuqda ka qaadan doono garab istaagga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxa uu xusay in Turkigu yahay saaxiibka ugu dhow Soomaaliya, mar walbana garab taagan yahay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha jira, xilli uu dalka ku jiro marxalad soo kabasho iyo dib-u-dhis.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu fure u yahay horumar waara oo laga hirgeliyo Caasimadda, kaasi oo horseeda in la sii tayeeyo adeegyada ay horraanba helayeen shacabka ku nool Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan iyo agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Bur-buriyey Saldhig Argagixisada ay ku lahaayeen Jubbooyinka “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo…

Wararka
August 6, 2020

Ra’iisal wasaarw Xamse oo ka qaybgalay xuska maalinta midnimada Yurub

Muqdisho (SONNA): Ra'iisul  wsaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan maalinta Midnimada…

CaalamkaGudahaWararka
May 9, 2023

Madaxa Hey’adda SODMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay Gobolka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay  Agaasimaha Gobolka Bariga Afrika…

Gudaha
September 19, 2025

Kulan Ku Saabsan Baraarujinta Waalidka Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Kulankan oo ay soo agaasinta Xaruunta Guryosamo oo ka shaqeysta horumarinta qoyska ayaa diiradda lagu saaray sidii waalidiinta…

Wararka
August 26, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023