Xubin katirsan argagixisada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Koonfur Galbeed

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA)-Isxaaq Abshir ibraahim Aadan Magaca afgarashadiisuna ay tahay (Cabdullahi) ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad ee degaannada Koonfur Galbeed

Isxaaq ayaa Kooxda Alshabab ku jirey Mudo  7-Sano isagoo u qaabilsanaa karinta Raashinka iyo Jabhada Wuxuuna ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Deeganada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose ay ka mid yihiin Awdheegle, Janaale iyo lambar 50.

Isxaaq Absir ayaa sheegey in Sababta ku kaliftey in Alshabab ka soo baxo isku soodhiibo Ciidanka Dowladda, ayaa sheegey ka dib markii uu arkey Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka soomaaliyeed.

Mudooyinkii dambe waxaa sii xoogeysaneya Dhalinyaradii ku jirey kooxda Nabadiidka Alshabab oo isku soo dhiibeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed horey loo Marin habaabiyey hada runta dhaqarta Alshabab ay ogaadeen.

La wadaag cid kale