Baydhabo (SONNA): Caddow Xasan Cabdi Cali oo kamid ahaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka hay’adda nabad sugidda Koofur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, xilli uu lasoo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa.
Caddow ayaa argagixisada kaga biirey 2013-dii degmada Xudur, kaddib markii uu tababar ku qaatay Galgaduud, waxaana uu kamid ahaa qeybta jabhadda.
Waxa uu ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay gobollada dalka, taas oo markii dambe sababtay in uu isku dhiibo ciidamada dowladda kaddib markii ciidama dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.
Caddow Xasan Cabdi Cali oo la hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isagoona saaxibadiis kale ee khawaarijta ka tirsan ugu baaqay inay isaga soo baxaan.
Isasoo dhiibista Caddow Xasan Cabdi Cali ayaa ku soo aadaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, kaas uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.