Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa maanta xafiiskii ku qaabilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Elfadil Saeed iyo xubno kale oo la socday.
Xoghayaha oo ugu horrayn Marwo Wafaa ka dhagaystay warbixin guud oo ku saabsan howlaha hay’addu ka qabato Dalka gaar ahaan xaaladaha bani’aadannimada, ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta, badbaadinta caruurta ee goobaha dagaalada, sare u qaadista Waxbarashada iyo dardargelinta taageerada hay’adda UNICEF siiyaan Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi.