Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho
GudahaWararka

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: July 14, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hay’adaha ay ka go’an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Golaha shacabka oo Maanta kulmaya

Muqdisho-(SONNA)-Kulanka golaha Xildhibaannada shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa…

WararkaWargayska
August 15, 2020

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Cabdullaahi Fara-cadde

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ee uu ka baxay…

Gudaha
September 13, 2024

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Xudur

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray…

Wararka
June 9, 2020

Wasiirka Maaliyadda XFS oo loo doortay Wasiirka Maaliyadda Afrika ee 2025

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa loo doortay Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025 ee ay bixiso African…

GudahaWararka
May 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023