Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo Xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa oo safar shaqo ku jooga Magaaladda Geneva ee Caasimadda Dalka Switzerland ayaa ka qeyb galay shirka Xoghayaasha Baarlamaanadda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay halkaasi.
Shirka waxaa looga hadlay wakhtiyeynta doorashada Guddoomiyaha ururka, xisaabxirka ururka ee sanadka 2023 iyo sidoo kale meel marinta miisaaniyadda ururka ee sanadka 2025.
Sidoo kale shirka Xoghayaasha Baarlamaanadda Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu goโaamiyay in kulanka soo socda ee ururka uu ka dhaco wadanka Masar.