Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay
GudahaSawirroWararka

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 8, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xilka ugala wareegay xisaabiyaha guud ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas xisaabiyiihii guud ee hore marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay wasiiro, mas’uuliyiin kala ka socda hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Cabdirasaaq Maxamed Abuukar ku xigeenka xisaabiyaha guud oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta ayaa u mahad celiyey xisaabihii hore shaqadii ay ka qabatay xafiiska, isaga soo dhoweeyey xisaabiyaha guud ee cusub.

Dr Raaxo Jinaqoow wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka wasaarassa qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyey xisaabiyaha cusub, iyaga bogaadiyey xisaabiyihii hore shaqadii ay u qabatay Qaranka muddadii ay xilka haysay.

Marwo Faadumo Cusmaan Faarax xisaabiyiihii guud ee hore oo xilka ku wareejisay xisaabiyaha cusub ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa sheegtay in wax badan u qabsoomeen xafiiska sida hagaajinta habka xisaabaadka dowladda, horumarinta xiriirka hay’adaha iyo dib habaynta maaliyadda loona baahan yahay in xisaabiyaha cusub uu sii hormariyo, waxna ku kordhiyo.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas Xisaabiyaha guud ee cusub ee dowladda ayaa sheegay in uu xoogga saari doono xoojinta hufnaanta, xaqiijinta dib u habaynta maaliyadfa iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka u kala wareejiyay xisaabiyiihii guud ee hore iyo kan cusub ayaa sheegay in xafiiskan muhiim u yahay dib u habeynta Maaliyadda, shaqo wanaagsan laga qabtay intii ay joogtay Marwo Faadumo Cusmaan, isaga kula dardaarmay xisaabiyaha guud Cabdiraxmaan Anab kor u qaadista hufnaanta shaqada.

Xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda oo udub dhexaad u hay’adaha maaliyadda, waxaa ay golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas 27-kii bishii la soo dhaafay ee April, waxaana uu beddelay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilkani haysay tan bishii October 2017-kii oo maantana si rasmi ah ugu wareejisay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
October 29, 2025

DFS oo bogaadisay howlgalka la dagaallanka argagixisada ee ka socda Puntland

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay howlgallada baaxadda leh ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka bari. War saxaafadeed…

GudahaWararka
January 14, 2025

Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu…

GudahaWararka
December 22, 2024

‘Iskaashiga ka dhexeeya Wakaaladaha Wararka caalamiga ah oo soo koraya (WARBIXIN)

Wakaaladaha Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Talyaaniga ANSA ayaa shalay oo Isniin aheyd Magaalada Roma ee Caasimadda Wadanka Talyaaniga ku…

GudahaMaqaallada
October 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023