Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka JFS ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta nabadda.
Sarkaalkan ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha berriga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne iyo qaadashada laaluush lid ku ah shaqadiisa, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u gudbisay eedeysanaha xabsi ku meel gaar ah, si loo soo dhamaystiro baaritaankiisa loona billaabo maxkamadeyntiisa.