Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Xasan Sh.”Waxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 30, 2024
7 Min Read
Share

Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi, kaasi oo ku saabsanaa marin biyoodka, sidaasi awgeedna Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaalada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ka hadlaya taageerada Milateri ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in “Qaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa Agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,” Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin Askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.

“Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan ​​dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray Agabka iyo qalabka aan u baahn nahay”, waxa uu hadaladaasi uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Telefishinka Aljazeera, mar uu wareysi siinayay, isagoo si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer qaran iyo heer gobol ah, wuxuuna sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan wadamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaasi, wuxuuna intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray, mas’uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka. “Dalkeennu waa dal madax bannaan, waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qeyb ka mid ah dhulkeenna”.

“ Haddii Itoobiya Xabad ku riddo Soomaaliya, ma waxaad u maleyni in Wiilka jooga Soomaaliya, kan Gaarisa jooga iyo kan Jig-jiga uu aamusi, taasi ma dhicin Taariikhda, waa wada galaayaan dagaalka”, sidaasi waxaa yiri:- Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya, mar uu ka hadlaayay damaca waalan ee Abiy Axmed uu ku doonayo Dhul iyo Bad Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamujud oo ka hadlaayay wadahadallada ay gar wadeenka ka tahay dowladda Turkiye ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta Shacabka labada dal.

Mar uu ka hadlaayay Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya “wada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno”, sida uu ku sheegay Wareysigii Telefishinka Al-jasiira.

“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxaanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri:- Madaxweynaha Masar Abdifitaax el-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka qeyb galayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo ka qalin jabisay Akadeemiyada Booliska Axaddii shalay. Hadalka Madaxweyne el-Sisi ayaa daba socda muddo toddobaad ah oo la hadal hayay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya.

Todobaadkii hore waxaa Soomaaliya soo gaaray markab sida shixnad gargaar milatari oo aad u badan oo ka timid ciidamada qalabka sida ee Masar. “Waan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hoosta ka xariiqay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

Taageerada milateri oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa muujinaysa tallaabo lagu xoojinayo saameynta Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta xiriirka labada dal iyo xoojinta amniga gobolka.

 ” ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada waxay na halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika” ,   sidaasi waxaa yiri:- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mar uu Khudbad ka jeedinaayay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay,  mudane Xamse Cabdi Barre, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay cadayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay cadeynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeeda, waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Caalamka” ayuu sii Ra’iisul wasaare Xamsa, wuxuuna Beesha caalamka uga mahadceliyey garab istaaga Soomaaliya, iyagoo cambaareyay xadgudubyada Itoobiya, sidoo kalena taageeray ilaalinta mabaadi’da Qaranka, gobanimada iyo wadajirka dhuleed, kuwaasi oo ah tiirar u ah nabadda iyo amniga Caalamka.

“Xasiloonida gobolku waxay ku xidhan tahay is ixtiraamka Mabaadi’daas, Itoobiyana waa in lagula xisaabtamaa falalka khalkhal galinaya Xasiloonida Gobalka Geeska Afrika”, waxa uu ugu dambeyntii tilmaamay in ay muhiim tahay in la iskula xisaabtamo ficiladda ku xadgudubka xuduudaha Caalamiga ah ee Itoobiya ku kacayso.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukuumadda oo $200 oo kun ku bixinaysa dayactirka wadada Laamiga ah ee Cadaado dhex marta

Cadaado (SONNA)- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi…

GudahaWararka
December 18, 2020

Wasaaradda arrimaha dibadda oo kulan duco ah u qabatay danjire (Yuusuf Dheeg)

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta, oo Axad ah, kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum…

GudahaWararka
November 24, 2024

Maamulka  Minneapolis oo caruurta Soomaalida u sameeyay xarun madadaalo 

Maamulka dowladda hoose ee Magaalada Minneapolis,iyo qaar ka mid ah dadka Somalida ee ku nool Xaafadda Cedar ee Magaaladaasi ayaa…

Gudaha
June 10, 2021

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Abu Dubai

SONNA (MUQDISHO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi…

GudahaWararka
January 30, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023