Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
Gudaha

Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

By Kulane
Last updated: March 31, 2026
2 Min Read
Share

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee tartanka Qaramada Afrika 2027 la ciyaaraya dhiggooda Mauritius.

Ciyaartan oo ah lugta labaad ee is-aragga labada xul ayaa ka dhici doonta garoonka Côte d’Or National Sports Complex. Labada xul kulankoodii koowaad oo lagu ciyaaray magaalada Maputo ee dalka Mozambique ayaa kusoo dhammaaday 0–0, waxaana mid walba uu rajo ka qabaa inuu guuleysto si uu ugu soo baxo wareegga xiga ee isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika 2027.

Xulka Mauritius ayaa wajahaya cadaadis weyn, maadaama aysan wax guul ah gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada. Qaab ciyaareedkooda liita ayaana walaac ku haya taageerayaashooda.

Dhanka kale, xulka Soomaaliya (Ocean Stars) oo uu hoggaamiyo tababare Yuusuf Cali Nuur “Yuu Cali” ayaa muujiyay horumar iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxayna haystaan laba guul shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo siinaysa rajo wanaagsan oo ay ugu gudbi karaan wareegga xiga.

Si kastaba, kulankan waa mid si buuxda u furan. Labada xul kii guuleysta ayaa u soo bixi doona wareegga xiga ee isreeb-reebka AFCON 2027. Haddii kulanku ku dhammaado barbaro, waxaa lagu dari doonaa waqti dheeri ah, haddii ay kala bixi waayaanna waxaa lagu kala saari doonaa gool-kulaad.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, iyo dhammaan mucaashiqiinta kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul u rajeeyay xulkeenna oo ay matalayaan xiddigo tayo leh oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Wakiilka Haya’adda IOM ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada…

GudahaWararka
May 22, 2025

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka

Duqa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasoota oo ka tirsan dalka Maraykanka Mr.Jacob Frey oo ka hadlay xaflad lagu maamuusaayey todobaadka…

Gudaha
June 30, 2023

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Mashruuc lagu maalagalinayo ilaaha wax-soo-saarka ee dalka

Waxaa Iska kaashanaya barnaamijkan dowlaha Soomaliya oo ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo jarmalka oo ka wakil ah Banigga horumarinta (KWF),…

Gudaha
December 15, 2023

Kooxda MCC oo ka adkaatay Gaadiidka kulan ka tirsan Horyaalka

Muqdisho (SONN)-Kooxda dowladda Hoose ee Xamar MCC oo galabta iska diiday in 40 sano kadib horyaalka Soomaaliya ku guulaysato kooxda…

GudahaWararka
July 23, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023