Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 30, 2024
7 Min Read
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna, isagoo Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta. “Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo meeha ay ku taal oo istaraatiijiga ah, kuwaasi oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-gelayo Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto, iyagoo Labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii loo xoogin lahaa wada shaqeynta labada Wasaaradood ee arrimaha Difaaca, waxayna Dowladda Talyaanigu ka mid tahay saaxiibbada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin, iyada oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayay sheegatay in aysan suuragal ahayen in badda Soomaaliya ay dad kale qaataan. “ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”, ayay tiri Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka hadlaysay masuuliyaddeeda ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.” Xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada oo Wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka war heysaa, sida idinka u dareemaysiin sidaasi oo kale ayey u dareemaysaa.”

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada Soomaaliyeed, waxaayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku  leedahay “waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.” Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya, iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda.

Caqabado Iyo Sumcad Xumo ay Ethiopia Siyaasadeeda Dibeda wajaheyso kadib Heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, sida uu sheegayo Ciise Xasan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda, islamrkaana ah falanqeeye arrimaha amniga, kaasi oo degan magaalada Helsinki ee wadanka Finland, waxa uuna intaasi raaciyay  Macluumaad la helayo ayaa muujinaaya in Dil-dilaac uu ku yimid fulinta Heshiiskii 1-dii Bishaan wada gaareen Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland, Heshiis beenaadkaan ayaa xeerinaaya in laga kireeyay Dhul/Xeeb dhan 20-Meyl Ethiopia oo xarun Ciidamo Badeed ka dooneysa iney ka dhisato Xeebta Lughaya.

“Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada France oo tan 2019-kii ka aheyd Mashruucaan tababar u fidineysa Ciidamada Badda Ethiopia ayaa uga digtay Ethiopia inay joojin doonaan Tababarka heshiiskana ka bixi doonaan haddii aysan ka laaban Heshiiska, Maamulka Abiy ayaa la sheegay inuu weydistay Dalalka Russia iyo UAE iney u tababaraan Ciidamadaan haddii ay France joojiso Tababarida Ciidamada Badda Ethiopia”, sidaasina waxaa Wakaalada SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan, iyadoo lagu soo waramayo In dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Itoobiya, una gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Haldoorka Somaliland oo Diiday Heshiiska: “Todobaadyadii u dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay cadaadiska iyo culeys saarka Waxgaradka, Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka, kuwaasoo farta ku goday in Heshiiskaan uu dhabar jab ku yahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Dhoofinta iyo soo dejinta Dekadaha Berbera & D’jibouti, ayna xirmi doonaan haddii uu sii socdo qorshaha fulinta Heshiiska, waxeyna Mr.Biixi ku cadaadiyeen in marka hore ay Ethiopia aqoonsato Maamulkooda”, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan.

“Hase yeeshee Mr.Abiy oo fahamsan dhibaatada iyo culeyska ay leedahay inay qaadato go’aan noocaan oo kale ah ayaa ka meermeeraya inuu ku dhiirado aqoonsiga, haddii ay dhacdana waxaa soo af jarmaaya xiriirka Somalia iyo Ethiopia, ku darsoo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa shaki ka muujiyay hirgelinta heshiiskaan, sababo la xiriira inay dib u soo noolaanayaan Jabhaddii xornimo doonka Somali galbeed”, ayuu yiri. Waxaan maqli jiray wax gad gadi ha kula gadoontee, waa waxa heysta dagaal Ooge Abiy Axmed.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan looga hadlaya dardar gelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu qabtay Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)-Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay odeyaasha dhaqanka ee…

GudahaWararka
May 28, 2025

Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay madasha Ganacsiga caalamiga ah ee Shiinaha (CIFTIS)

Beijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ka jeediyay madasha adeegga Ganacsiga Caalamiga ah ee…

GudahaWararka
September 6, 2023

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka 7aad ee Solorka Adduunka

New Delhi(SONNA):-Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka Hindiya waxaa ka furmay shirkii 7aad ee Golaha Wadamada ku bahoobay Isbahaysiga Solarka…

GudahaWararka
November 5, 2024

Wasiirka amniga oo ka qaybgalay bandhigga caalamiga ah ee Milipol Qatar

Doha (SONNA): Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaga qaybgalay daah-furka daabacaadda 15-aad ee Bandhigga Milipol…

GudahaWararka
October 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023