Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Xasan Sh.“Soomaaliya waxay ku faani khayraadka Alle siiyay” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 30, 2024
7 Min Read
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna, isagoo Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta. “Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo meeha ay ku taal oo istaraatiijiga ah, kuwaasi oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-gelayo Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha ayaa magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto, iyagoo Labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii loo xoogin lahaa wada shaqeynta labada Wasaaradood ee arrimaha Difaaca, waxayna Dowladda Talyaanigu ka mid tahay saaxiibbada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin, iyada oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayay sheegatay in aysan suuragal ahayen in badda Soomaaliya ay dad kale qaataan. “ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”, ayay tiri Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka hadlaysay masuuliyaddeeda ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.” Xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada oo Wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka war heysaa, sida idinka u dareemaysiin sidaasi oo kale ayey u dareemaysaa.”

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada Soomaaliyeed, waxaayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku  leedahay “waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.” Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya, iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda.

Caqabado Iyo Sumcad Xumo ay Ethiopia Siyaasadeeda Dibeda wajaheyso kadib Heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, sida uu sheegayo Ciise Xasan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda, islamrkaana ah falanqeeye arrimaha amniga, kaasi oo degan magaalada Helsinki ee wadanka Finland, waxa uuna intaasi raaciyay  Macluumaad la helayo ayaa muujinaaya in Dil-dilaac uu ku yimid fulinta Heshiiskii 1-dii Bishaan wada gaareen Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland, Heshiis beenaadkaan ayaa xeerinaaya in laga kireeyay Dhul/Xeeb dhan 20-Meyl Ethiopia oo xarun Ciidamo Badeed ka dooneysa iney ka dhisato Xeebta Lughaya.

“Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada France oo tan 2019-kii ka aheyd Mashruucaan tababar u fidineysa Ciidamada Badda Ethiopia ayaa uga digtay Ethiopia inay joojin doonaan Tababarka heshiiskana ka bixi doonaan haddii aysan ka laaban Heshiiska, Maamulka Abiy ayaa la sheegay inuu weydistay Dalalka Russia iyo UAE iney u tababaraan Ciidamadaan haddii ay France joojiso Tababarida Ciidamada Badda Ethiopia”, sidaasina waxaa Wakaalada SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan, iyadoo lagu soo waramayo In dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Itoobiya, una gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Haldoorka Somaliland oo Diiday Heshiiska: “Todobaadyadii u dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay cadaadiska iyo culeys saarka Waxgaradka, Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka, kuwaasoo farta ku goday in Heshiiskaan uu dhabar jab ku yahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Dhoofinta iyo soo dejinta Dekadaha Berbera & D’jibouti, ayna xirmi doonaan haddii uu sii socdo qorshaha fulinta Heshiiska, waxeyna Mr.Biixi ku cadaadiyeen in marka hore ay Ethiopia aqoonsato Maamulkooda”, ayuu sii raaciyay Falanqeeye Ciise Xasan.

“Hase yeeshee Mr.Abiy oo fahamsan dhibaatada iyo culeyska ay leedahay inay qaadato go’aan noocaan oo kale ah ayaa ka meermeeraya inuu ku dhiirado aqoonsiga, haddii ay dhacdana waxaa soo af jarmaaya xiriirka Somalia iyo Ethiopia, ku darsoo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa shaki ka muujiyay hirgelinta heshiiskaan, sababo la xiriira inay dib u soo noolaanayaan Jabhaddii xornimo doonka Somali galbeed”, ayuu yiri. Waxaan maqli jiray wax gad gadi ha kula gadoontee, waa waxa heysta dagaal Ooge Abiy Axmed.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa looga hadlay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada?

Muqdisho (SONNA):- Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha…

GudahaWararka
February 1, 2024

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah…

GudahaWararka
August 18, 2025

Howlgallada ka socda Jubbaland oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay…

GudahaWararka
September 20, 2023

Digniintii ugu dambeysay oo loo diray Al-shabaab (WARBIXIN)

Masuuliyiin badanayaa safarro shaqo ugu tagay Deegaannada ay ka soo jeedaan ee uu ka socdo dagaalka xaqa ah ee lagula…

GudahaMaqaallada
August 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023