Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Xamsa“waxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin”(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 11, 2024
7 Min Read
Share

Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo ay la soo baxday Xukuumadda uu hor boodo Abiy Axmed, kaasi oo ku qotoma Is-afgarad beenaad dhex maray isaga iyo Muusi Biixi, kaasi oo salka ku hayay kala bedelasho Dhul-Bad iyo Aqoonsi, taasi oo ay Dowladda Somaaliya ganafka ku dhufatay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah Hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna. “Qof kasta oo kala qeybinaya Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo qabyaalad ku kula qeybinaaya oo masaaliix ku kala qeybinayaa oo gobol ku kala qeybinaaya oo deegaan ku kala qeybinaya, Qofkaasi waa cadow Soomaaliyeed, cadow haddaad maqasho waa kaa uun,  shacabka Soomaaliyeed waa inay kala bartaa Dadkaasi”

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday xaruunta Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS oo dib loo dayactiraayay ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin, wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan Ummadda ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taasi oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii la soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay “ in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka, maadaama aynu nahay dowlad madax bannaan.””Dowlad kale oo Soomaaliya ciidan keysaneysa ma jirto, islamarkaana na weydiisatay, laakiin xaq baannu u leenahay haddaan Soomaali nahay, wadan madax banana baannu nahay haddaan dowlad kale u tagnay oo Carbeed oo aan dhahnay na caawiya, taasina macnaheedu ma ahan in aan dowlad kale ku duuleynno.”

Raiisul-wasaaraha Dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa is weydiiyay, “Siyaasiga Soomaaliyeed goormuu qaan gaarayaa, Odeyga Soomaaliyeed goor muu  qaan gaara?, ma marka adduunka la rogo? Soomaali oo dalkeeda difacaneysa oo aan gardarro rabin oo mar walba raadineysa iyo dowlad leh ‘MAYA’ meeshaan gar iyo gardarraba waa inaad is siiso, ama sidii aan u saxiixday aad iigu deyn ama xoog baan ku iman, labadaasi ayay maraysaa, Soomaali is jiid-jiidataahi ama is fiir-fiirsataahi meeshaas boos kuma leh, waxaana ka codsaneynaa siyaasiga Soomaaliyeed, Odeyga iyo dadka Soomaaliyeed inaanan khadka ka dhumin”

“SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro”, sidaasi waxaa bartiisa Facebook-ga ku qoray Wasiir Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac, “Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.”Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah”ayuu siiu raaciyay qoraalkiisa.

Wasiirka waxaa kaloo qoraalkiisa ku yiri:-“Ma jiro Qof xaq u leh in uu ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed, waxaana si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed. Taariikhda difaaca Qaranka Soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca Qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya.”

Wasiir Jaamac oo si gaar ah ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, “marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo, dadkeenana gumeeyo. SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah Aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca Qaranka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah,  kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa. Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena.”

“ALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA;

IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY;

OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY.”, Gabeygaan ee uu tiriyay Abwaan Axmed ismaciil diiriye (Qaasim)   ayuu ku soo gunaanaday Wasiir Jaamac Qoraalkiisa.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Bariire

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka dhulka ee XDS Gen Dayax cabdi cabdulle, madaxa hoggaanka howl gelinta ee CXD g/dhexe Cali Aaden,Taliyaha guutada 14…

GudahaWararka
March 25, 2024

Falcelinta Qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran  (WARBIXIN)

Kadib markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa siyaabo kala duwan loo kala fasirtay, iyadoo qoloba meel u…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
June 6, 2023

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo daah furtay kulan looga hadlayay falanqeeynta waxbarashada

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, ayaa maanta furay kulan looga doodayay nuqulka 1-aad ee falanqeynta Waxbarashada Galmudug. Qaar…

GudahaWararkaWaxbarashada
June 23, 2021

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Maryan Naasir Cali

Muqdisho?(SONNA):-  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,…

GudahaWararka
November 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023