Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xalka Khawaarijtu waa Xabad (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xalka Khawaarijtu waa Xabad (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Xalka Khawaarijtu waa Xabad (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 3, 2023
7 Min Read
Share

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo Cirka ah, kuwaasi oo ay wadaan Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka oo loo yaqaan Macaawisleyda iyo saaxiibadooda Caalamka, iyadoo deegaanno badan laga saaray khawaarijta, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ย islamarkaana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida uu muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dar-dargalinta dagaalada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Raโ€™iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska kooxda Khawaarijta ah ee Argagixisada, waxa uuna xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, islamarkaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Raiisul-wasaaraha oo ka hadlayay haddii tabasho ay ciidanku hayaan ayaa sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan, isagoo intaasi raaciyay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadalayadaasi ka jeediyay mar uu kormeer uu ugu kuurgalayo howlaha shaqo ee ka socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda Dan Qaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024-ka.

Warar dheeraad ah ayaa laga helaayaa Duqeyn cirka ah oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Khawarijta ah Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu gaarsiiyay Kooxdaasi khasaare baโ€™an oo ay ka soo waaqsaneyn abidkood, sida uu noo haqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye, isagoo ku sugan Degmadaasi ayuu tilmaamay in tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Guddoomiyaha Degmada oo sharaxayay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay aheyd meel ay hadda ku tababartaan Maleeshiyaad Kooxda Khawaaarijta ah, islamarkaana ay isku urursanayeen, doonayayna ama damacdanaa inay weerar uga soo qaadaan Degmada Xarardheere, si ay u dhibaateeyaan Ciidanka ku sugan goobahasi iyo dadka deegaanka oo ay hadda uun ku gudajira soo nooleynta adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha bulshada ku dhaqan Magaaladaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in duqeyntaasi ay ku dhinteen dhammaan Maleeshiyaadkii iyo Horjoogayaashii ku sugnaa goobtaasi, marka laga reebo 4 dhagarqabe oo u carar dhinacaasi iyo Deegaanka Jowle.

Guddoomiyuhu wax tiro ah ma sheegeen, balse waxa uu tilmaamay in goobtaasi aysan ka baxsan marka laga reebo 4-taasi Khawaarij, waxaana la sheegayaa in Goobta la duqeeyay ayaa waxay hore u lahaa oo ay xaruun diineed u aheyd Wadaad can ah oo la yiraa Shiikh Cali Suufi oo ka soo jeeda deegaanka Gaalkacyo, waxa uuna halkaasi ku hey jiray koox Xeroowya ah oo wax baran jiray, balse Sheekhu waa uu ka cararay shartooda, kadib Khawaarijtu waxay ka dhigteen meel ay ku tababaraan Maleeshiyaadkooda.

Mira dhalka Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa waxaa ka dhashay in Ardeyda Degmada Xarardheere oo 15 sano kadib fursad u helay in ay aadaan Goobaha Waxbarashada Degmada Xarardheere, taasi ayaa ku timid haddeysan geesiyaal godka u galin miyay Ubadka Xarardheere heli lahayeen Waxbarasho iyo Mustaqbal, marka waxaan oran karnaa Xalka Khawaarijta waa Xabad iyo dal dalid.

Dhinaca kale waxaa wali socda is-garab istaagga Ciidamada Xoogga Dalkas iyo kuwa Deegaanka ee ay kula jiraan dagaal looga xaalufinayo deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Gobolada Dalka ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ka qeybgalay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

โ€œWaa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyoโ€, sidaa waxaa yiri:- Guddoomiye Madaale, wuxuuna bogaadiyay guulaha geesiyaasha xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen howlgalka socda,waxa una Ganacasatada, Odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ay muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka dalka looga xoreyna khawaarijta, cid laga yeelayana aysan jirin in cabsi Al-Shabaab ay ugu harto howlgallada dalka ka socdo.โ€œDadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed,waxaan tuseenaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,Xabsiga ayana la dhigayaaโ€,sidaasi ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadi.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaal ay Ciidankooda kaga taageerayaan dhinaca Saadka Cuntada iyo Cabitaanka, โ€œ Waxa ugu yar ee Wiilasha jihaadka ku jiraa nooga baahan yihiin waa taban taabo, iyo in aysan Furinta ku dareemin baahi iyo Haraadโ€, sidaasi waxaa yiri:- mid ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir, gaar ahaan Dukaan Cunto iyo Cabitaan ku heysta Waaxda Jeneraal Daauud ee Degmada xamar Jab Jab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xasan Xaashi, isagoo goobtiisa ganacsiga ku sugan ayuu Ciidanka ugu deeqay Kartoon Malaay ah ama Kallun, โ€œ waana iga mudan yihiin intaasi iyo in ka badanโ€, ayuu sii raaciyay.

Maamulada Degmooyinka Gobolka Benadir iyo shacabka oo isku duuban waxaan ku boorrineynaa in ay ku garab istaagaan diyaarinta Cuntooyinka Fudud ee qalalan oo ay har iyo habeen u sii daabulayaan Furimaha lagula dagaalamayo Cadawga, kaasi oo u fududaaneysa Ciidanka inay ku qaadan karaan Jeebabkooda, islamarkaana aysan dareemin Gaajo iyo Harraad inta ay ku gudajiraan la dagaalanka Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xeer ilaalinta Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir horgeysay eedeysane carruur ku xadgudbay

Muqdisho (SONNA): Xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay eedeysane Cali Dhagadiish oo lagu eedeeyay…

GudahaWararka
September 30, 2025

Xuska maalinta xoriyadda Jabuuti ee 27-ka June (warbixin)

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar…

GudahaMaqaallada
June 27, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa caawa kala…

GudahaWararka
October 18, 2023

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Mudug(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Murcudka, Wadaariq,Faarax Aadan,Bacadka iyo deegaano kale oo hoos taga…

GudahaWararka
August 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023