MUQDISHO (SONNA)- Munaasabad loogu mahad celinayo wefdigii Soomaaliya ku matalayay dacwaddii baddeenna uuna goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Xafladdan oo uu soo agaasimay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ah Masuuliyiin iyo Qeybaha Bulshada Rayidka.
Hadafka ayaa ah sidii loogu mahadnaqi lahaa Madaxdii Soomaaliya ku matalayay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ kuwaa oo dhabar adayg iyo karti muujiyay intii ay socotay Dacwadda Badda ee ay Soomaaliya ugu danbeyn guusha kala soo hoyatay.