Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Khasaaraha la gaarsiiyey khawaariijta(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 19, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Muddadii uu uu bilowday Dagaalka Khawaarijta oo ay iska wada kaashanayeen Ciidanka Qalabka Sida iyo Xoogagga Deegaanka ayaa waxaa lala wareegay  in ku dhow 50 Goobood oo isugu Jira Degmooyin iyo Tuulooyin waxaana ka mid ah:- Deegaannadaasi:- Moqokori , Tardo, Bukure, Ceel Hareri, Mabaax, Jiciboow, Booco, Beerxaano,  Ruun Nirgood, Mora ari, Xaawa Gadiid, yasooman, Aboorey , Xawaadley ,Masjid Cali Gaduud,  Nuur Dugle, Ceel Bacad,Hilowle Gaab , Cadaan Laxeey , Warta Dibi samatar, Aadan Yabaal, Guulane,Ceel dheere Buraale Wargaadhi,Ceel Baraf, Alkowthar, Geel Gub, Miir Taqwa, Cadaan Laxeey, Masagawaay, Galcad, Qaayib, Dhisiq Shurufle, Sinadhaqa, Ceelhuur, Faax, Maraay Suuleey, Ceeldheer, Xarardheere iyo kuwo kale.

Wararka laga helaayo Deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Qalabka Sida ay ku jiraan xaqiijinta Deegaannadii dhawaan lagala wareegay Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah ee kala ah Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere haatan ay ka socdaan Xaqiijin amni iyo inay dib ugu laabtaan Deeggaanadooda Dadkii ka barakacayba, waxaana hadda ka bilowday nolol cusub, waayo waxay la‘aayee daryeel iyo Ammaan, waxaana lagu wadaa in looga sii gudbo inta ka harsan Gobolka Galguduud oo kala ah Deeggaanada hoos yimaada Degmooyinka Galhareeri iyo Ceel Buur, si loo soo gabagabeeyo Wajiga 1-aad, loona gudbo Wajiga 2-aad, si uu Iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar oo guuleystay kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyay khawaarijta “Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa koowaad ayaana gabogabo ah, wajiga labaadna halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xorreynaya dagaalka wajiga labaad laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”.

Madaxweyna Xasan sheeg ayaa sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xorreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijta ee isku xira goboladda dalka, Mudane Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhamman dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha koowaad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “.

Dhinaca kale Wasiirk ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ku jirta in si wadareed loola dagaalamo Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna tilmaamay in hadda  kadib hirgalinta balanqaadkii Aadan Yabaal iyo Xarardgeere ee Khawaarij xoraynta, Madaxwaynuhu wuxuu sameeyay balanqaadka Koofur Galbeed, isagoo ka dhigay Wajiga Labaad ee halganka.

“Wiilasha iyo Gabdhaha geesiyaasha ah ee reer Koofur Galbeed waa markooda iyo fulinta Balanka Madaxwaynaha ilaah Idankiis, garab iyo gaashanna waxaa idiin ah Ciidamada Qaranka.Reer Koofur Galbeed waxeey haystaan fursad aanay haysan reer Galmudug iyo reer Hirehabeelle kuwaas oo ay ka mid yihiin:- 1- Khawaarijtii oo la tabartiray.2- baraarugga Bulshada Soomaaliyeed oo sareeya.3- Khibrad badan oo aad ka hesheen dagaaladii horay u soo dhacay. Iyo tan 4- kuwa guulaystay oo idin garab taagan hiilna idiin ah iyo arrimo kale”ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka oo nala wadaagay qoralkaan ayaa waxaa kaloo uu yiri:- “ Maanta, waxaa idiin soo gashay fursad aad uga aar goodan kartaan Khawaarijtii idin ihaanaysanaysay muddada Dheer, kuwii aad jeclaydeen idinka laysay, idnka hor istaagay in aad ku noolaataan dhulkiina Hodanka ah, ka faaiidaysataan Barwaaqada Dhulkiina, kuna noolaataan Nolol barwaaqo leh, una Cibaadaysataan si aan  cabsi lahayn. Hadaba, Indhuhu waxay soo eegayaan dhankiinna.Barabarkeey ka baxdaa waa bakayle qaleen ayay joogtaa. Agtiinna ayay taallaa. Guulaysta”.

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalada lagula jiro Khawaarijta ayaa sheegaya in Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhul beereedka Sheekh Qaasim, iyadoo Maleeshiyaadka la laayay uu ku jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka Xawaadleey oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayay,iyadoo xogaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobta ku haysteen, waxaana jirta in howlgalka inta uu socday Khawaarijta laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen, kuwaais oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Marka ay dunidu fallaago ama Argagexiso la gasho 3 weji ayaa laga rabaa in lagu wajho:- Midda 1-aad  oo ah guluf dagaal oo Xorrayn. Wejiga labaad oo ah gacan ku heynta goobaha laga xorreeyay. Iyo kan Wejiga 3-aad oo ah  Xasilin, lana sameeyo dhismaha maamulka garsoorka, hey’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen.

Haddaba marka ay jabeen Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug halkeey tahay inay u sii jeestaan?, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa shewegaya in Khawaarijtu Horjooyayaashooda iyo Maleeshiyaadkooda ay ku wajahan yihiin deegaannu ka tirsan Maamul-goboleeyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si ay sii wataan howlahoodii guracnaa, balse loogama hari doono, waxaana lagu kala furi doonaan dagaalada xoreynta wajigiida 2-aad iyo kiisa 3-aad, madama uu kii 1-aad uu gababa ku dhow yahay.

Diyaarintii C/Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweyne Siilaanyo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada…

GudahaWararka
November 16, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday Shacabkii ku dhaawacmay Qaraxii Liido

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Isbitaalada Erdogen iyo Madiina ku booqday…

GudahaWararka
August 3, 2024

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ka hor caddeysay Mowqifkeeda Qaddiyadda Falastiin

Muqdisho.(SONNA):- Ka dib markii khamiistii la soo dhaafay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana…

GudahaWararka
January 4, 2025

Mareykanka oo 28 Milyan u qorsheeyey wax ka qabashada Arrimaha Bi’niaadinimmo ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan 28 Milyan u qorshsheysay labo mashruuc oo lagu xoojin doono adkeysiga sugnaanta cuntada Soomaaliya, kaas oo…

GudahaWararka
January 4, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023