Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland
    December 14, 2025
    𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirro iyo xildhibaanno dhiirogeliyay in kabadan 200 oo arday oo ka qalin bedelatay heerka koowaad ee waxbarashada+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirro iyo xildhibaanno dhiirogeliyay in kabadan 200 oo arday oo ka qalin bedelatay heerka koowaad ee waxbarashada+sawirro
Wararka

Wasiirro iyo xildhibaanno dhiirogeliyay in kabadan 200 oo arday oo ka qalin bedelatay heerka koowaad ee waxbarashada+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 27, 2019
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare,wasiiro,xildhibaano bahda waxbarashada, waalidiinta ardayda, mas’uuliyiinta Jaamacadda Jamhuuriya iyo marti sharaf kala duwan.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka oscotay dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay horumarka dhanka waxbarashada ah oo uu dalku ku talaabsanayo,iyagoo ardayda qalinbedelatayna ku booriyay in waxbarashadooda ay sii laba jibaaraan si ay dalkoodi hooyo iyo dadkoodi wax ugu taraan,waxaana kamid ah wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle(Jaabiri)

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare  oo munaasabadda ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay, waxaana ardayda uu ku booriyay in ay sii wataan waxbarashada ilaa heerar kale la gaaraan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Mohamed Axmed Maxamuud oo isna hadal ka jeediyay munaasabada ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ardayda sanadkan ka qalin jabisay Kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Jamhuuriya.

Waxaa uu sheegay Guddoomniyaha Jaamacadda in ardayda maanta qalin jabisay kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda ay usoo dhabar adeegeen waxbarashada , isagoo kula dardaarmay inay waxbarashada halkeeda ka sii wataan uguna adeegaan dadkooda.

Qaar ka mid ah arday maanta xafladooda qalin jabinta loo dabaal dagayey ayaa dhankooda muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in ay shahaadada heerka koowaad ee digriiga ka qaataan Jaamacadda Jamhuuriya iyaga oo u mahadceliyey waalidiintooda iyo macalimiintoodii u soo dhabar adeegay mudadii ay waxbarashada soo wadeen.

Jaamacadda Jamhuuriya oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tayada badan ee ku yaala dalka ayaa waxaa ka qalin jabisay dufcadii afaraad , waxaana Jaamacadan dadaal badan ku bixisaa soo saarista aqoonyahano bulshada Soomaaliyeed wax tar badan u leh.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf oo ku guuleystya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho ka dhacday…

GudahaWararka
February 15, 2025

Taliye Odowaa oo ka hadlay Ciidan ka cabanayay Mushaar la’aan

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Maanta ka hadlay Ciidan Magaalada Muqdisho gadood ugu sameeyay mushahar…

Wararka
June 22, 2020

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanaya khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Hirshabeelle

Jowhar-(SONNA)-Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay gobolka Hiiraan Khawaarijta lagu…

GudahaWararka
February 6, 2024

Madaxda dhaqanka Awdal oo isku raacay in ay Itoobiya ka difaacdaan xeebahooda

Odayaasha dhaqanka  ee Gobolka Awdal,gaar ahaan kuwa dega magaalada lug-haya ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia…

Gudaha
March 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023