Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo dhigiisa Sucuudiga kala hadlay dhoofka Xoolaha Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo dhigiisa Sucuudiga kala hadlay dhoofka Xoolaha Dalka
GudahaWararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo dhigiisa Sucuudiga kala hadlay dhoofka Xoolaha Dalka

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: October 31, 2021
3 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo casumaad rasimi ah ka helay Wasiirka Wasaaradda Bii’ada, Beeraha, Xoolaha iyo Biyaha ee Boqortooyada Sacuudiga Abdulrahman Al-Fadhli ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Malik Khaalid Riyaad ee dalka Sacuudi Arabiya.

Soo dhaweynta kadib labada Wasiir ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wada hadleen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Waddan, gaar ahaan wadashaqaynta  labada Wasaaradood iyo sidii si rasmiya xayiraadda looga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo Dalka Sacuudiga, loona gaari lahaa Xal waara.

Dhinaca kale, Khubarada labada Wasaaradood ayaa yeesha shirar gaar gaar ah oo muhimadiisu ahayd in si rasmiya xayiraadda looga qaado dhoofka Xoolaha Soomaaliyeed, Dhinaca Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalay kana mid ahaa wafdiga Wasiirka  Agaasimaha Guud Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa  Maxamed Cumar Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo kahortagga Cudurada Xoolaha Cabdirixmaan Nuur Garish iyo lataliyaha Dhoofka  iyo Suuq gaynta Xoolaha Cali Maxamed Galool.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa dhinaca  kale kulamo gooni gooniya la qaatay  Madaxa Hay’adda Maalgelinta Dibadda ee Xoolaha iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga (SALIC) Sulaiman AlRumaih iyo  ku Xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta ee Islaamka Dr. Mansur Mukhtar  oo ay ku kulmeyn xaruunta bangiga ee magaalada Jeddah, waxeyna isla soo qaadeyn muhiimada ay leedahay in la taageero xoolo dhaqatada Soomaaliyeed Baahiyahooda dhinacyada waraabka Biyaha, Daaqa, Daaweynta iyo in la dhiirigeliyo in si rasmiya xayiraada looga qaado Xoolaha Soomaaliya taas oo fududeyn doonta ganacsi balaaran oo ay ka wada faaiideystaan labada dhinac, iyadoo Soomaaliya ay taasi u suurogelin karto kobac dhaqaale, maadaama xoolaha ay ka midyihiin ilaha ugu muhiimsan lafdhabartana u ah Kobaca dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka.

Sigaar ah waxay bangiga islaamka uga wadahadleen dardargelinta barnaamijka Dhoofinta Ariga ee waqtiga Xajka iyo inuu Bangiga sii Xoojiyo mudnaanta uu horayba usiin jiray dhoofka Xoolaha Soomaliya ee waqtiga Xajka.

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa booqday xarunta Malik Cabdulcasiis ee Fardaha Carabta ee Asalka ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Roobab mahiigaan ah oo ka da,ay deegaanka Bacaadweeyn ee gobolka Mudug oo sababay qasaare isugu jira naf iyo maal

Galkacyo:(SONNA) Roobab mahiigaan ah oo ka da,ay deegaanno badan oo dhaca bariga gobolka mudug ayaa sababay qasaare isugu jira naf…

Wararka
May 3, 2020

Mareykanka oo 12-kun oo Askari ka daad guraynaya Wadan kamid ah Dalalka Yurub

Dawladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inay wado qorshe salka ku haya sidii ay 12 kun oo ciidankeeda ah…

Wararka
July 30, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose…

GudahaWararka
December 2, 2023

Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Erdogan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- Munaasabad lagu soo dhaweynayay Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Tababarka iyo Horumarinta Erdogan Mudane Maxamed Xuseen Ashraf ayaa lagu…

GudahaWararka
December 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023