Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Iiraan Ibrahim Ra’iisi, ayaa sheegay in dalalka cadowga ku ah Iiraan ay ka careysan yihiin awoodda dalkiisa, si taasi meesha looga saarana ay qeyb ka yahiin abaabulka dibadbaxyada.
Ra’iisi, ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabaadka dibadbaxayaasha, isla markaana ay ku dadaaleyso sidii ay u sameyn lahayd xarumo ay ku wada hadlaan dhallinyarada, aqoonyahanada iyo waxgaradka dalkaasi.