Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Cabdullahi Abuukar, Cabdullahi Carab iyo Madaxa horumarinta Waxbarshadda ee Bariga iyoย Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen lahaayeen hurumarinta Waxbarshadda.
Wasiirka Waxbarshadda, Madaxa Horumarinta Waxbarshadda Bangiga Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac uuna maalin geliyo Bangiga Aduunka ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic Cusub oo hadda diyaar ah.
Wasiirka Waxbarshadda ayaa balan qaaday Ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaa Bangiga Aduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarshadda.
Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarshadda, Bankiga Aduunka.