Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye }ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane; Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo shalay soo gaaray Caasimadda.
Wafdiga wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo uu wehliyay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale ayaa qeyb qeyb u booqday waaxaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka oo ay ka mid yihiin TV ga, Radio Muqdisho iyo Keydka baaxada weyn ee Radiyaha oo xasuus gaar ah u leh Dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti.
Masโuuliyiintan ayaa intii ku sugnaayeen Keydka Radio Muqdisho waxa ay dhagaysteen Suugaan ka tarjumaysa halgenkii loo soo maray gobanimada Jabuuti oo ay Soomaaliya door weyn ku lahayd.
Masโuuliyiinta Wasaaradda oo uu hormuud u yahay Wasiir Maareeye ayaa wafdiga Jabuuti warbixin ka siiyay shaqooyinka Qaranka ay Wasaaradu u hayso iyo qaabka ay u shaqeyso.
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti mudane; Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon iyo wafdigiisa ayaa uga mahad celiyay madaxda Wasaaradda soo dhaweyntii loo sameeyay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir, ayaa ugu dambayn Xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdiga Walaalaha Jabuuti,waxanay ka wada hadleen sidii Dowladda Jabuuti ay Gacan uga geysan lahayd tayeynta iyo xoojinta Warbaahinta Qaranka.