Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Talyaaniga oo xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka oo dib udhis iyo casriyayn lagu sameeyay

By Abdulkadir
Last updated: February 9, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa maanta xarigga ka jaray Studiyaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyayn iyo qalabayn.

Howshaan dib u casriyaynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ah howlaha sanadkaan lagu hormarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyaynta lagu sameeyay Studiyaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.

“Maanta waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Wafaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan wuxuu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hor dhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.

Safiirka Tanyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagantahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna Wasaaradda Warfaafinta ay kala dhaxayso wadashaqayn balaaran.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa Shahaado Sharaf mahadcelin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyaynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baydhabo: Banaanbixi Cadaalada loogu raadinayay caruur dhawaan lagu dilay oo dib loo Dhigay

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta dib u dhac ku yimid banaanbax balaaran oo todobaadkii hore Culimada Baydhabo ku baaqeen kaas oo lagu…

GudahaWararka
April 23, 2021

Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (SONNA):- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka…

GudahaWararka
March 6, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Muqdisho…SONNA…Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta…

GudahaWararka
July 21, 2021

Amaanka magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay

Jowhar(SONNA)-Amaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda…

GudahaWararka
September 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023