Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 30, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA), Abril 30, 2020 -Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa shaqaallaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May oo ku aaddan Jimcaha berri ah.

“Waxaan aad uga xunnahay in Sannadkan 2020 aysan suurtogal inoo ahayn inaan isku soo baxyo iyo kulamo isugu nimaano aan ku waynaynayo maalintaas qiimaha badan u leh shaqaalaha Soomaaliyeed sababo la xiriira Caabuqa COVID-19, Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta, Waa maalin ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, waana mid lagu dhiirri-gelinayo looguna sheegayo in baahiyahooda iyo xuquuqdoodaba lagu dadaalayo in la daboolo.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Waa u muhiim shaqaalaha Soomaaliyeed inaan ammaano hawlkar-nimadooda iyo waxtarkooda bulshada Soomaaliyeed. Waan la wada soconaa duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan, waxaana Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u guntatay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.

Mudane Sadiiq Warfaa,  ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha, isagoo caddeeyay in dowladda ay ku guulaysatay joogtaynta mushaaraadka Shaqaalaha dawladda, kuwaasoo si hufan u guta hawl- maalmeedkooda. Waxaa kalo uu xaqiijiyay Fayruuska COVID-19 ee dunidda sida aadka u daran u saameeyay inuu dalka ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo bulsho, iyadoo faafiddiisuna weli sii socoto.

“Guud ahaan cudurkani COVID-19 wuxuu saamayn daran ku yeeshay suuqyada shaqada, iyadoo shaqo la’aanta, oo awalba aad u darnayd, uu haddana uga sii daray.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaal lagu caawinayo dadka aad u nugul ee uu saameeyay caabuqa COVID-19, sidoo kalena lagu xoojiyo u adkaysiga bulshadeena ee saamaynta cudurkan.

Waxay sidoo kale Dawladdu diyaarisay qorshayaal dib loogu horumarinayo dhaqaalaha dalka kaddib Caabuqa COVID-19, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, laguna taageerayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu raaciyay.

Gabagabadii, wasiirka ayaa ugu baaqay loo shaqeeyaasha inay dhowraan xaquuqda shaqaalaha gaarka ah, xilligan adag ee lagu jiro. Isagoo sidoo kale dhammaan bulshada Soomaaliya usoo jeediyay inay caawiyaan kuwa nugul si wadajir loogu guuleysto fayruska Covid-19.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Difaaca “Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka Daacish”

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga…

GudahaWararka
April 5, 2026

Guddiga warfaafinta golaha shacabka oo kormeeray wasaaradda warfaafinta

Muqdisho (SONNA): Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo…

GudahaWararka
December 1, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dib…

GudahaWararka
July 29, 2024

Madaxwyanaha Galmudug oo u hambalyeeyay hoggaanka la doortay ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari ee…

GudahaWararka
August 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023