Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya
GudahaWararka

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: March 14, 2026
3 Min Read
Share

Geneva-SONNA-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku shir guddoomisay kulan ay Soomaaliya soo qabanqaabisay islamarkaana la guddoomisay ka warbixiyaha gaarka ah ee QM ee la dagaalanka argigixisada iyo Xuquuqul Insaanka ee Hannaanada gaarka ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM.

Kulan doceedkan oo qeyb ka ah Kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee ka socda magaalada Geneva ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta rasmiga ah ee booqashada Daleed ee ka warbixiyaha gaarka ah uu ku tagay Soomaaliya iyo aragtida Qaaradda Afrika ee dib u eegista 9aad Istiraatiijiyadda caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka taasi oo loo madlan yahay June 2026.

Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha ee QM Prof Ben Saul oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad u ammaanay guullaha iyo hormarrada isdaba joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay si gaar ah waxa uu u bogaadiyey guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo dhaweysay warbixinta iyo bogaadinta Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga Argigixisada iyo Xuquuqda Aadanaha waxaana ay ka warbixisay tallaabooyinka muhiimka ay ee ay Soomaaliya qaaday sanadihii ugu dambeeyey iyo sida xooggan ee ay dalka hormarrada uga socdaan caqabado kasta oo jira.

“Dhanka isla-xisaabtanka, Soomaaliya waxay qaadday tallaabo taariikhi ah. 10-kii Diseembar 2025, oo ah Maalinta Xuquuqul Insaanka, Madaxweynuhu wuxuu meelmariyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isagoo farriin cad u diray shacabkeenna iyo caalamkaba. Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay inay noqoto Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Guddiga. Guddigan wuxuu baari karaa xadgudubyada xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira la-dagaallanka argagixisada. Waa hay’ad qaran oo loo dhisay inay dowladda kula xisaabtanto ficilladeeda” ayey khudbaddeeda ku tiri Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa xalay gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayadoo socdaalka Wasiiradda uu qeyb ka yahay safarro shaqo oo guullo ay Soomaaliya kaga soo hoysay fagaarayaasha caalamka , waxaana Wasiiradda iyo wafdigeeda maalmo ka hor magaalada New York kaga qeybgaleen shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka…

GudahaWararka
January 16, 2025

Wasiirro ka tirsan XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi ka socda dowladda Turkiga

Muqdisho, (SONNA): Wasiirro ka tirsan XFS ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu horkacayo Wasiir…

GudahaWararka
October 24, 2024

Ciidanka Boliiska oo u dabbaaldegaya sanadguuradii 80-aad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firin ayaa bulshada la wadaagay hambalyo ku aaddan 80 sano guurada aas aaska…

GudahaMaqaallada
December 20, 2023

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

Laascaanood (SONNA): Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka soo saaray xadgudubka Isra'il ee qaranimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
December 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023