Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay Dalka Morocco.
Ugu horeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirku kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shirar muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, Mudane Wasiir Biixi ayaa kulanka ugu horeeya la qaatay Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.