Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya taageeridda in si bedqab ah tallaalka COVID-19 looga qeybiyo Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya taageeridda in si bedqab ah tallaalka COVID-19 looga qeybiyo Soomaaliya
GudahaWararka

Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya taageeridda in si bedqab ah tallaalka COVID-19 looga qeybiyo Soomaaliya

By Axmed Caato
Last updated: May 19, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-  Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.

Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka/gacan-ku-haynta qalabka CCE.

Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa’iideysan doonaan qaaraankan.

“Japan ayaa gacan ka geysaneysa sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo bixineysa barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad,” ayaa uu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya.

Japan  ayaa xoogga saareysa  gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisay qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX.

Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa  sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka loo tababaro sidii ay si ay u maareyn lahaayen habsi u socodka  tallaalka, korjoogteynta ka-faa’iideysigiisa  iyo isla-xisaabtanka.

“UNICEF waxay  Dowladda Japan iyo dadka reer Japan mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya,” ayaa uu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):-Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxwayne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xildhibaannada Federaalka ee laga soo doorto J/land+(Sawirro)

MUQDISHU-(SONNA)- Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa baaq u jeediyay Xildhibaanada laga soo doorto degaanada Jubba-land.…

GudahaWararka
September 21, 2020

Shirka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.

Muqdisho(SONNA):-Shirkaan waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali, iyadoo inta uu socdo…

GudahaWararka
April 29, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed…

GudahaWararka
July 2, 2024

Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo

Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab…

Wararka
August 26, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023