Abidjan(SONNA)–Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.
Kulan ay yeesheen labada masโuul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hourmarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.
โโWaxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika #Akinwumi_Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda.
Wasiirka waxa uu si gaar ah u bogaadinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale ee dalka oo dhammaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen.