Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro
Wararka

Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kala xasiisday heshiis+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 13, 2019
2 Min Read
Share

Dooxa-(SONNA)- Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu  saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.  In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3.  Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4.  Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.  Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.  Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.  Sidoo kale Dowladda  Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.

Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen  Guddi ka kooban Lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xooga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen deegano hostaga dagmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u…

Wararka
April 17, 2023

Warsaxaafadeed: Mowqifka Soomaaliya ee doorka Itoobiya ee Howlgalka AUSSOM

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
October 23, 2024

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Faarax…

GudahaWararka
March 17, 2026

Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujeey ah

Tawfiiq Al-Rabiah, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad ​​1.2 milyan oo xujey ah…

Gudaha
June 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023