Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
GudahaWararka

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 19, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, kuwaas oo muujiyay xiisaha ay u qabaan xoojinta iskaashiga iyo maalgashiga Soomaaliya.

Wafdiga Vietnam waxaa hoggaaminayay Mr. Nguyen Tuan Long, Agaasimaha Xarunta Global Link Center oo hoostagta dawladda Vietnam, isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Kooxda Maalgashiga Caalamiga ah ee LKS Group, iyo Mr. Nguyen The Tuan, Guddoomiyaha Shirkadda Paloma Development and Investment JSC. Labadan masuul ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Ganacsiga Soomaaliya–Vietnam (Somalia–VN Business Council), oo ah madal lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dowlad-dowladeed ee labada dal.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay wafdiga si faahfaahsan ugu soo bandhigeen fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, garoomada diyaaradaha, biyaha iyo korontada.

Dhankooda, wafdiga Vietnam ayaa muujiyay daneyn gaar ah oo ay u qabaan ka qaybqaadashada mashaariicda horumarinta kaabeyaasha, gaar ahaan dhismaha jidadka iyo isku xirka magaalooyinka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga gudaha dalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka si qoto dheer loogu gorfeeyay mashruuca dhismaha guryo la awoodi karo (Affordable Housing), iyadoo shirkadaha Vietnam ay muujiyeen diyaar garow ay u leeyihiin keenista tiknoolajiyad casri ah oo dhisme, iyo in ay sahamiyaan suurtagalnimada maalgelin toos ah iyo iskaashi lala yeesho shirkadaha maxalliga ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa muujiyay yididiilo, is-faham iyo ballan-qaad lagu xoojinayo wadahadallada socda, iyadoo la isla meel dhigay in la qorsheeyo booqasho rasmi ah oo madax Soomaaliyeed ku tegi doonaan dalka Vietnam, si loo sii adkeeyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Kulankan ayaa astaan u ah bilow cusub oo ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Vietnam, isagoo dhigay saldhig adag oo lagu dhisi karo iskaashi waara oo ganacsi, maalgashi iyo horumarineed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo…

GudahaWararka
September 9, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Asad Xaajiyow oo dhibane u ah argagixisada 

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure…

GudahaWararka
February 5, 2025

Ra’iisul wasaare kuxigeenka XFS: Soomaaliya waxay dalal badan kaga horaysaa Isticmaalka adeegyada Dhijitaalka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay dhinaca…

GudahaWararka
February 14, 2026

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka…

GudahaWararka
January 4, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023