Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
GudahaWararka

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 19, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Vietnam, kuwaas oo muujiyay xiisaha ay u qabaan xoojinta iskaashiga iyo maalgashiga Soomaaliya.

Wafdiga Vietnam waxaa hoggaaminayay Mr. Nguyen Tuan Long, Agaasimaha Xarunta Global Link Center oo hoostagta dawladda Vietnam, isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Kooxda Maalgashiga Caalamiga ah ee LKS Group, iyo Mr. Nguyen The Tuan, Guddoomiyaha Shirkadda Paloma Development and Investment JSC. Labadan masuul ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Ganacsiga Soomaaliyaโ€“Vietnam (Somaliaโ€“VN Business Council), oo ah madal lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dowlad-dowladeed ee labada dal.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay wafdiga si faahfaahsan ugu soo bandhigeen fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, garoomada diyaaradaha, biyaha iyo korontada.

Dhankooda, wafdiga Vietnam ayaa muujiyay daneyn gaar ah oo ay u qabaan ka qaybqaadashada mashaariicda horumarinta kaabeyaasha, gaar ahaan dhismaha jidadka iyo isku xirka magaalooyinka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga gudaha dalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka si qoto dheer loogu gorfeeyay mashruuca dhismaha guryo la awoodi karo (Affordable Housing), iyadoo shirkadaha Vietnam ay muujiyeen diyaar garow ay u leeyihiin keenista tiknoolajiyad casri ah oo dhisme, iyo in ay sahamiyaan suurtagalnimada maalgelin toos ah iyo iskaashi lala yeesho shirkadaha maxalliga ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa muujiyay yididiilo, is-faham iyo ballan-qaad lagu xoojinayo wadahadallada socda, iyadoo la isla meel dhigay in la qorsheeyo booqasho rasmi ah oo madax Soomaaliyeed ku tegi doonaan dalka Vietnam, si loo sii adkeeyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Kulankan ayaa astaan u ah bilow cusub oo ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Vietnam, isagoo dhigay saldhig adag oo lagu dhisi karo iskaashi waara oo ganacsi, maalgashi iyo horumarineed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka…

GudahaWararka
August 31, 2025

Duulimaadyada Caalamiga oo manta si rasmi ah dib uga bilowday dalka.

Muqdisho.(SONNA)... Maanta waxaa dib loo furay duulimaadyada caalamiga ah ee dalka,ka dib markii cudurka safmarka ah ee Koroona Fayrus uu…

Wararka
August 3, 2020

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay har hubin ah.

Muqdisho (SONNA): Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta goโ€™aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi โ€œ Madaxeeyโ€…

GudahaWararka
August 28, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayey agaasimaha cusub ee NISA

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha…

GudahaWararka
April 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023