Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 22, 2023
2 Min Read
Share

London (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta cilmi baarista amniga RUSI ee magaalada London kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faahfaahiyey marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho ah: Dagaal militari, dagaal dhaqaale
iyo dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in kabadan Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha JFS DR. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMs ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada. Madaxweynuhu Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada AMTs dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka 2024.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay Madaxweynuhu doorkooda halganka dib u xoreynta isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Turkiga oo badbaadiyay 95 ruux oo magangalyo doon ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 95 ruuuc oo magangalyo doon ah,ka dib markii Ilaalada Xeebaha Giriigga ay si qasab…

Caalamka
January 7, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray furimaha dagaalka

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeeray furimaha dagaalka, halkaas oo uu ka socdo abaabuka guluf culus oo…

GudahaWararka
August 30, 2023

Shirweynaha Dhismaha iyo Ansixinta Dasruurka D.Gobolleedka Waqooyi Bari oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho.(SONNA):- Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu soo gaba-gabeeyay shirweynaha dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya,…

GudahaWararka
July 31, 2025

Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)

Calaamaddaha lagu garto Kooxi marka ay burubureyso ama ku jabto dagaal ayaa waxaa ka mid ah:- Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023