Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa Muqdisho ku soo xirtay shirka wadatashiga ah ee ku saabsanaa xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirkaan waxaa kaso qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, ururada haweenka, xubno ka socday Wasaaradaha Haweenka ee dowlad goboleedyada dalka iyo marti Sharaf kale.
Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay Madasha ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada inay adkeeyaan hubinta Qoondada Haweenka boqolkiiba sodanka ee Golaha Shacabka.
Wasiirka Haweenka xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa ayaa u macadcelisay Ka qeybgalaysha waxaana ay sheegtay in doorashadii golaha Aqalka sare ay hawenka kusoo korortay hal haweenka ah sidoo kale waxa ay xoojisay baahida loo qabo hubin qoondada haweenka ee doorashooyinka aqalka hoose ee ka socday dalka.
Wasaaradda haweenka xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka kawada olole xoogan oo lagu xoojinayo hubinta qoondada haweenka ay ku leeyihiin barlamaanka dalka.