MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Gaashandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha ee xarunta.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhagaystay saraakiisha halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.
Wasiir Cabdiqaadir ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga ee qeybta weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka Khawaarijta, sugana ammaanka guud.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga fagaaraha dagaalka.