Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
GudahaWararka

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 8, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga Dalka (STP SSC).

Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…

GudahaWararka
January 6, 2025

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya

Nairobi (SONNA) - Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU. Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG…

GudahaWararka
December 5, 2024

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, kaas…

GudahaWararka
November 6, 2023

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo xil iska saaray nadiifinta xeebta Liido

Looxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa maanta ku dhaqaaqay olole nadaafadeed oo laga sameeyay deegaanka xeebta Liido oo ka tirsan…

Gudaha
January 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023