Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar
CiyaarahaGudahaWararka

Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Masar

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 4, 2023
2 Min Read
Share

Qaahira (SONNA): Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda FS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta.

Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada jihaynta dhallinyarada, is-dhexgalka Ciyaaraha, iyo kala faa’iidaysiga khibradaha maamulka Isboortiga iyadoo dalka Masar uu ka mid yahay wadamada xagga Afrika ugu horreeye dhinaca Ciyaaraha.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir Dr Ashraf Subxi ayaa sidoo kale isla soo qaaday martigelinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka adduunka ee qaaradda Afrika iyo sidii xulka qarankeennu Hoyad( Home) ugu noqon lahayd dalka masar inta ciyaaruhu socdaan maadaama tashiilaad badan oo xulalka qaaraddu u baahanyihiin weli dalkeenna u dhimmantahay.

Labada wasiir ayaa isla gartay in wixii farsamo ah loo daayo xiriirrada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Masar waxaana Wafdiga wasiirka ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiino) oo dhiggiisa Masar kala sii xaajoon doona sidii farsamo ahaan ay dowladda Masar nooga taageeri lahayd kobcinta maamulka iyo farsamada ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qaybgalay furitaanka tuulada ciyaaraha Masar oo ah goobo ay ku dhanyihiin noocyada kala duwan ee garoomada iyo goobaha lagu ciyaaro.

Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa u mahadceliyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo Diblumaasiyiinta kale ee safaaraddeena Qaahira oo shaqo qurux badan la qabtay Wasiirka iyo wafdigiisa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulanka Golaha Shacabka oo looga hadlayo Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo dhawrka

Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 08 01 2020 waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka Golaha…

Wararka
January 8, 2020

Hey’adda MSF oo warbixin cusub ka soo saartay dagaalka Gaza

Warbixin cusub oo ay soo saareen dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay jiraan calaamado cad…

Caalamka
December 20, 2024

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo lagu Dilay jubbada Hoose.

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Darawiishra Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose…

GudahaWararka
April 8, 2021

Wasaaradda Warfaafinta oo warsaxaafadeed kasoo saartay colaada Sokeeye ee ka aloosan qeyba kamid ah gobolada dalka.

WAR SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha…

GudahaWararka
December 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023