SONNA (Muqdisho) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Raโiisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hayโadda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo masโuuliyiin kale.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo masโuuliyada adagย ย ee u adeeggidda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duuraan Axmed Faaraxย ย oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga goโantahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.
โWasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaaย ย muujiso.โ ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray โ Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.โ
Raโiisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.