Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta soo xiray tababar socday muddo afar maalmood ah oo ku saabsanaa hab maamulka iyo kormeerka miisaaniyadda, kaas oo loo qabtay howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda.
Tababarkan oo diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ee dhanka maaraynta kharashaadka, kormeerka waxqabadka iyo kor u qaadidda hufnaanta maamulka maaliyadeed ayaa lagu falanqeeyay habraacyo casri ah oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maaliyadeed.
Wasiirka ayaa bidhaamiyay muhiimadda tababarkan iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Wasaaradda, isaga oo ku boorriyay howl-wadeennada inay ku dabaqaan howlahooda shaqo aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen, si howlaha maaliyadeed u noqdaan kuwa waafaqsan heerarka dowladnimada casri ah.
