Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr, Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kaga qeyb galay madasha 3-aad ee Riyadh International Humanitarian Forum (RIHF3) taas oo looga doodayo baahida arrimaha Beniโaadannimo ee soo koraysa marba marka ka dambeysa.
Madashan oo heerkeedu sarreeyay ayaa ahayd wax ka qabashada arrimaha Beniโaadannimada si loo dhaqaajiyo isbeddel macno leh iyo wax ka qabashada arrimaha ugu muhiimsan caqabadaha baniโaadannimo ee caalamiga ah ee hadda jira iyo fududeynta doodaha ku saabsan horumarinta, xoojinta iyo bixinta gargaarka biniโaadanimo iyadoo loo eegayo heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo waxtarka leh dadka ay saameeyeen adduunka.
Madasha oo ay marti gellisey Xarunta Gargaarka Baniโaadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa Qaramada Midoobay iyo Hayโadaha Samafalka ayaa waxaa kasoo qeybgaley madaxda dalalka Carabta, Khaliijka, hayโaddah ka shaqeeya arimaha gargaarka caalami ah, iyo khuburo waawayn iyadoona Dowladda Soomaaliya uu ku matalayey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirri gelinaysaa in la badiyo doodaha caynkan oo kale ah si baarayaasha ka socda waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), ay kor ugu qaadaan wax ka qabashada arimaha gargaaka iyo Bani’aadannimada.