Wasiirka arrimaha gudaha XFS iyo Odayaasha Hiiraan oo ka wada hadlay xoojinta amniga”Sawirro

La wadaag cid kale

Baladweyne-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda arrimaha guduha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal; Muqtaar Xuseen Afrax ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa nabad gelyada Gobolka iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada halkaasi ku dhaqan.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo shirkaasi ka hadlay ayaa aad usoo dhoweeyay howlaha dib u heshiisiinta ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Gobolka Hiiraan.

La wadaag cid kale