Oslo (SONNA):-Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa kulan kula qaatay magaalada Oslo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Norway H.E Anniken Huitfeldt. iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal sidii loo sii horumarin lahaa loona xoojin lahaa calaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Labada wasiir ayaa kulankooda si gaar ah uga hadlay sidii Norway ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dib u kabashada dhaqaalaha, nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, waxaana Anniken Huitfeldt ay bogaadisay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dayn cafinta iyo inay dib ula fal-gasho hay’adaha dhaqaalaha dunida.