Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka SSC-Khaatumo ee Magaalada Laascaanood.
Wasiirka Amniga Khaatumo Ibraahim Jaamac iyo Taliyaha Boliiska SSC-Khaatumo Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud iyo Saraakiisha kala duwan ayaa Wasiirka iyo Taliyaha soo dhaweeyey, waxayna ka warbixiyeen waajibaadka shaqo ee ka saaran xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.