Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis.
Inta uu kulanku socday, arrimaha looga hadley waxaa ugu muhiim Sanaa; Dib u xoreynta, Xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.
Ugu dambayn, Safaaradda Britain ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso, isla markaana ay taageerto ajendayaasha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda Somalia.